Akhriso: Magacyada Senatarada Aqalka Sare ee maanta lagu doortay Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Xildhibaanada baarlamanka Jubaland ayaa maanta doortay afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare, ayada oo maamulka uu si rasmi ah usoo dhameystiray doorashada Aqalka Sare.

Maamulka Jubaland ayaa horey u doortay afar ka mid ah sideedda kursi ee maamulka uu ku leeyahay Aqalka Sare, waxaana ku harsanaa afarta kursi ee maanta la doortay.

Xasan Daahir Yarow ayaa ku guuleystay kursigii shanaad wuxuuna ka adkaaday Cabdi Xuseen Cali, halka Ibraahim Awgaab Cismaan uu Farxiya Macalim Cabdi uga guuleeystay kuriga lixaad.

Kursiga toddobaad oo ay ku tartameen laba haween ah ayaa Layla Nuur Maax waxay kaga guuleysatay Xareedo Maxamed Sheekh.

Kursigii ugu dambeeyey ee maanta la doortay ayaa waxaa kusoo baxay Maryan Faarax Kadiye oo ka guuleysatay Samsam Maxamed Bishaar.

Dhameystirka doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ayaa ka dhigan in maamulka Galmudug uu yahay midka kaliya ee ay hadda ku hareeen kuraas ka mid Aqalka Sare, waxaana laga sugayaa laba kursi doorashadooda.