Akhriso:- Magacyada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah 8-senatar ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Shanta Senater cusub ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ayaa labo kamid ah waxaa ay yihiin dumar, dowlad goboleed Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya dowlad goboleedkii labaad ee qabta doorashada kuraasta aqalka sare kadib Jubbaland.

5-ta Senater ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka sare ayaa waxaa ay kala yihiin.

Sen. Ayaan Aadan Cabdullahi
Sen. Samsam Ibraahim Cali
Sen. Aadan Cabdinaasir Maxamed
Sen. Xuseen Maxamed Daahir
Sen. Maxamuud Maxamed Cabdinuur

Maamulka Jubbaland ayaa ahaa Maamulkii ugu horreeyay ee bilaabay doorashada Aqalka Sare, waxaana Maamulka labaad noqday Koonfur Galbeed, iyada oo Xildhibaannada dooran ay noqdeen Sagaal Senator.