Akhriso: Magacyada xildhibaanada cusub ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta Magaalada kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland lagu qabtay Doorashada sedex kursi oo ka mid baarlamaanka JFS.

Xubno ka socda guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT iyo guddiga xalinta khilaafaadka ayaa goob joog ka ahaa doorashada sadexdaasi kursi oo maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Kuraasta maanta la doortay ayaa kala ah #HOP126 #HOP127 #HOP118, Waxaana kursiga ugu horeeyaya ee Doorashadiisa laqabtay uu ahaa #HOP126 kaa oo uu ku guuleystay sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Dr Siyaad, xildhibaan Xassan xuseen Maxamuud oo helay codod dhan 74 cod, halka murashaxii la tartamayay oo ahaa Cabdiraxmaan macallin Xasan uu helay cod Dhan 21 Cod.

Kursiga labaad ee HOP-127 oo doorashadiisa la qabtay ayaa isna waxaa kusoo baxay sida uu shegay Gudoomiye guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal  xildhibaan Axmad Aadan Axmed kaa oo helay codad gaarayo ilaa 84 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabduqaadir Cabdullhi Xirsi uu helay 16 oo kaliya.

Kursiga ugu danbeeyo ee Doorashadiisa laqabtay ayaa ahaa Hop-118 kaa oo uu ku guuleystay xildhibaan yuusuf maxamed ismaacil kadib markii murshaxii la tartamayay uu iska haray kursigaasi.