Akhriso: Magacyadda Shanta xildhibaan ee maanta lagu doortay Garowe

GAROOWE-AYAAMAHA-Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa  maanta lagu doortay Caasimadda maamulka  Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Magacyadda maanta Xildhibaanada la doortay:

Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#235 ee golaha shacabka BJFS .

Cali Yuusuf Cali ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#200 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#249 ee golaha shacabka BJFS.

Cabdi Ibraahim Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#196 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#166 ee golaha shacabka BJFS