Akhriso:-Magacyda Lix Xildhibaan Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Baraawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta dehmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop-250 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Sheekh oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey ee  Cabdalla Maxamed Shariif uu heley 17-cod.

Kursiga labaad ee  Hop-160 oo uu ku fadhiyay Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa doorashadii dhacday ku guuleystay Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, isaga oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayeyee Cali Abuukar Maxamed uu heley 12-cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop-173 oo uu ku fadhiyay Cusmaan Xaaji Cali ayaa waxaa ku guuleystay Cabdifataax Cabdulaahi Araye, isaga oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduwahaab Cali Axmed uu heley 16-cod.

Kursiga Afaraad ee Hop-080 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa oo meesha laga saaray ayaa waxaa doorashadii la qabtay ku guuleystay Aweys Xuseen Macalin, kaas oo  helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Cusmaan Jibriil uu heley 20-cod.

Kursiga Shanaad ee Hop-155 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan horay ugu fadhiday, iyada oo heshay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayay ee Mariya Maxamed ay heshay 14-cod

Kursiga lixaad ee Hop-150 oo uu ku fadhiyay Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleystay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo heley codad gaaraya 85-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Ali Ibraahim uu heley 5-cod

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellha Hooose lagu qabto doorashada kiraas kamid ah Golaha Shacabka.