Akhriso:-Qaraxyada iyo dilalka ay Al-Shabaab ka aamuseen ama iska fogeeyeen.

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Alshabaab ayaa marar badan sheegtay weerarro ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska la ahba, balse waxaa jira marar dhif ah oo ay beeniyeen amaba ay ka aamuseen eedeymo ah inay geysteen dil amaba ay abaabulayaan.

Khaarajinta Farmaajo iyo Rooble

Qoraal ka soo baxay kooxda Shabaab ayaa waxay ku sheegtay in wax lagu qoslo ay tahay in NISA ay ogaan weysay marar ay beegsadeen saraakiil dowladda ka tirsanaa oo ay tusaale usoo qaateen guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay kooxdu sheegatay oo ka dhacay xarunta gobolka sanadkii 2019.

“Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waawyeen markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn Murtadiinta, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen,” ayuu yiri sarkaalka ka tisan kooxda oo ay barta Somali Memo soo xigatay.

Qoraalka barta ayaa sidoo kale lagu xusay in sarkaalka uu sheegay in “haba yaraatee uusan jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan kooxda, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.”

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in hadalka NISA uu kooxdu ula muuqdo mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda dalka.

Kiiska Ikraan Tahliil

Ikraan Tahliil oo la shaqeyneysay Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa bishii September ee sanadkii hore, iyadoo la weysanaa labo bilood, waxaa soo baxay war sheegaya in “Al-shabaab ay dileen”.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adda Sirdoonka Qaranka ay sheegtay in kaddib dabagal ay sameysay ay ogaatay in ay gacanta u gashay Alshabaab kaddibna ay dileen, iyadoo tacsi u dirtay qoyska gabadha oo baadigoobkeeda ku guda jiray.

Balse, barta internet-ka ee Somali Memo oo baahisa wararka Al-Shabaab, ayaa qoraal la soo dhigay waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay iska fogeeyeen dilka Ikraan, isla markaana uusan wax shaqo ah ku lahayn.

Qoraalka waxaa lagu yiri: “Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA.

“La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowladda nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa sheegay mas’uul u hadlay Alshabaab.

Qaraxii Soobe

Afar sano kahor waxaa waddada Soobe ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gilgilay quluubta dadka kaas oo ay ku dhinteen boqollaal qof.

Qaraxaas ayaa xasuus ku reebay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaalida ah gaar aahaan kuwa ku nool Muqdisho waxaana jira dad ilaa iyo hadda la la’yahay nolol iyo geeri toona loona badinayo in ay dhinteen.

Qaraxaas waxaa ku dhimatay in ka badan 500 oo qof, waxaana ku dhaawacantay illaa in ka badan 600 oo kale. Waxaa sidoo kale burburay dhismeyaashii waddada saarnaa.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu isgoyska Soobe aad u mashquul badnaa, waxaana ka jiray saxmad wayn oo dhanka gawaarida iyo dadka ah. Hareeraha Wadadana waxaa buux dhaafiyay dad warato ahaa iyo kuwo socday

Weerarkii Hotel Shaamow

Qaraxa 3-dii December sanadkii 2009 ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid saameyn weyn reebay, iyadoo ay ku dhinteen dad isugu jira wasiirro dowladda Soomaaliya ka tirsanaa, dhaqaatiir iyo weriyeyaal iyo arday.

Marka uu qaraxu dhacayay waxaa hoteelka ka socotay munaasabad shahaado lagu guddoonsiinayay arday.

Dad kor u dhaafaya 20 qof ayaa xilligaas la xaqiijiyay inay ku dhinteen tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadkii qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ahaa Qamar Aadan Cali oo aheyd wasiirkii caafimaadka, Prof.Ibraahim Xasan Caddow oo ahaa wasiirkii tacliinta sare iyo Axmed Cabdullaahi Waayeel oo ahaa wasiirkii waxbarashada, wasiirkii cayaaraha Saleebaan Colaad Rooble oo markii dambe u dhintay dhaawac qaraxaas ka soo gaaray. Dadka kale ee ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Aadam Warsame Shahiid oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed, iyadoo qaraxan sidoo kale ay ku dhinteen wariye Xasan Subeer Xaaji Xasan (Fantastic) oo ahaa filim qaade ka tirsan telefishinka Al-Carabiya iyo Maxamed Amiin oo ka mid ahaa wariyeyaasha idaacadda iyo telefishinka Shabeelle.

Qaraxaas si rasmi ah uma aysan sheegan Alshabaab, inkastoo ay soo baxeen warar sheegaya in xubno kooxda ka tirsan ay masaajid ka sheegeen inaysan habbooneyn in la qariyo in qaraxaas ay kooxdu fulisay. Qaraxa 3-dii December sanadkii 2009 ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid saameyn weyn reebay, iyadoo ay ku dhinteen dad isugu jira wasiirro dowladda Soomaaliya ka tirsanaa, dhaqaatiir iyo weriyeyaal iyo arday.