Akhriso:- Qodobada Cabdi Xaashi u gudbiyey Rooble si xal looga gaaro khilaafka Siyaasiyiinta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa R’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Cuseen Rooble u gudbiyey qodobo iyo tallooyin xal u noqon kara khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee salka ku haaya doorashada goleyaasha labada Aqal ee xildhibaannada gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa lagu sheegay in kulankii shalay uu Ra’iisul Wasaare Rooble dalbaday in lagu wareejiyo talada & maamulka doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, balse ay u sheegayaan in masiir Ummadeed an la wareejin Karin, hayeeshee ay u soo jeedinayaan talooyinkaan so socda.