Akhriso:- Qodobada La isku afgartay ee heshiiska Farmaajo iyo Rooble. 

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan in heshiis hordhac ah ay gaareen.

Dedaaladii lagu dhameenayey maalmihii dambe ayaa mira dhal la filayaa in noqdaan oo qodobo dhowr ah laga soo saaro.

Warbaahinta Warqaad ayaa heshay xog ah in saacadaha soo socda lasoo gaba gabeeyo khilaafkii jiray war murtiyeed wadajir ahna lasoo saaro.

Qodobada lagu heshiiyey sida wararka aan ku helnay ayaa kala ah:

1. In Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka uu soo magacaabi doona Madaxweyne Farmaajo, Gaashaanle sare Yaasin C/llaahi Fareey ayaa laga dhigi doonaa Agaasime ku xigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

2. Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa loo wareejin doona wasaarad kale, waxaana la filayaa Genaraal Mukhtaar Xuseen Afrax uu noqdo Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cumar Cali Rooble oo hadda ah Wasiirka Diinta iyo awqaafta ayaa loo wareejin doonaa Wasiirka Arimaha Gudaha , Cabdullahi Maxamed Nuur oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Amniga ayaa laga dhigi doonaa Wasiirka Ganacsiga, waxaase macquul ah in wax isbadeli karaan isku badelka wasaaradahaasi.

3. Madaxweyne Farmaajo wuxuu Ra’iisul Wasaraha u fasixi doonaa awoodiisa oo horey uu u hakiyey balse waxa war-saxaafadedka lagu xusi doonaa in laga fogaado talaaboyinka xiisahada keeni kara iyo in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraha aay wada-shqeyn buuxda yeeshaan