Akhriso sababta loo xiray wadooyinka caasimada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ciidamadaan ayaa gaaraya 1800 oo Askari waxayna ka tirsan yihiin Ciidamadii lagu Carbiyay Dalka Eritrea

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayaa Ciidankaan kula dardaarmi doona inay Qarankooda ugu adeegaan Daacadnimo iyo wadaniyad.

Ciidankan oo lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaa la dagaalkan Al-shabaab oo goobo badan oo dalka kamid ah ka socda.