Akhriso War-murtiyeed laga soo saaray Shir si wadajir u qabteen dalalka dariska la ah Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah, oo ay wada qaateen madaxda dalalka dariska la ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagaga arrin sanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagula dagaalayo Alshabaab, iyadoo madaxdu ay falan qeeyeen hannaanka fulinta qorshaha.

Shirkii ayey ku yeesheen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogagga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii ay kula wareegeen deeganno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

War murtiyeedka ayaa lagu xusey qodobo badan, oo ay kamid yihiin taageerista dowladda Soomaaliya, adkeynta xiliga kala guurka ee ciidamada ATMIS ay baxayaan, go’aan ku gaarista mideynta hawl galada ciidanka, iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey