MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkii madasha wadatashiga qaran ayaa goor dhaw ku soo gabagaboobay Muqdisho iyadoo War-murtiyeed laga soo saaray shirkan oo socday muddo laba maalin ah.
Sida ay xog hoose ku heshay Warqaad, dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka taagnaa habka loo qeybsanayo 100 milyan oo dollar oo ka timid beesha caalamka, gaar ahaan Bankiga Adduunka.
Sida ay xubno ka qeybgalayo shirka u xaqiijiyeenWarqaad , dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyey in maamul goboleed kasta la siiyo lacag dhan 4 milyan oo dollar si ay ugu qabsadaan howlaha horyaalla maamullada.
Habka loo qeybiyey lacagtaan ayaa ah mid gebi ahaanba ka duwan sidii markii hore loo qeybin jiray, taasi oo ku saleysneyd markii hore sida ay u kala duwan tahay miisaaniyadda maamul goboleedyada sida uu dhawaan sheegay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxaman Ducaale Beyle.
Heshiiska hadda dhacay wuxuu ka dhigan yahay in maamullada qaar, sida Puntland wax iska beddaleen qeybta ay heli jirtay miisaaniyadda dowladda dhexe siiso maamul goboleedyada, waxayna markii hore Puntland qaadan jirtay miisaaniyad ka badan maamul goboleedyada kale.