Akhriso Wararkii ugu dambeeyay ee kulanka xildhibaanada Labada Aqal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka ayaa shalay yeeshay kulankii ugu horreeyay oo ay kaga wada hadleen xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha.

Guddiyada ayaa go’aamiyay in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo ay labada Gole ee barlamaanka maanta oo isniin ah isugu yimaadaan.

Kulanka Maanata ayaa waxaa shir guddoomin doono Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,waxa una Ajandaha ay ka doodi doonaan ay kala yihiin.

Ajendaha kulanka manta ayaa ah mid diradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Warbixin kooban ee guddiga qaban-qaabada iyo baahinta jadwalka.
  2. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.