Akhriso Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

MUQDISHO-AYAAMAHA- Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyoone, iyadoo caasimada ay haatan ku sugan yihiin inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada, waxaana kaliya la sugayaa Deni & Guudlaawe oo ku soo wajahan Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga uu Muqdisho ka furmayo shirka golaha wadatashiga qaran ee lagu waday inuu shalay ka furmo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa sheegay in 21-ka bishan Ogoosto oo ku beegan maanta  in uu shirka madaxda wadatashiga qaran uu ka furmayo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Afar qoddob ee ugu muhiimsan shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah.

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka
2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka
3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka
4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Shirka ayaa waxaa kawada qeybgalaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhammaan Madaxda maamulada ayaa ku sugan Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha  Puntland oo lagu waddo in uu soo gaaro Saacaddaha soo socda.

Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in dooda ugu badan ee hareyn doontaa in noqon doonto habraaca doorashada Golaha Shacabka.