Akhriso:- Warmuriyeed laga soo saaray Shirkii ka socday Teendhada Afisiyooni

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray Shirka Wadatashiga qaran ee Maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni, halkaasi oo ay ku shirsanayeen Ra’iisul Warasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaaadir.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed Dhinacyo badan taaabanaya, waxaana Madaxdu ay isku raaceen Qodobbo ay ka mid yihiin.

1: in Dib u eegis ku sameeyay soo jeedintii guddiyada ku shiray baydhabo

2:  In xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah

3: In guddiga Doorashooyinka ay dhaxdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.

5: In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

7: In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Arinta Soomaalind ayaa waxaa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaaraha, asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha Aqalka Sare  iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.