Al-Shabaab hor leh oo ka gudbay xadka itoobiya iyo xogtii u dambeysay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab ayaa abaabullo ka wada xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Itoobiya, saacado yar un kaddib markii ciidanka gaarka ah ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ku dhawaaqeen inay guul ka gaareen dagaalkii socday maalmihii la soo dhaafay.

Dowlad-deegaanka ayaa dhankeeda ciidamo badan gaysay xadka Soomaaliya sida uu sheegay telefishinka dowladda Itoobiya (ETV).

Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in la soo afmeeray wejigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Gobolka Afdheer oo xad la wadaaga gobolka Bakool ee Soomaaliya waxaa maalmihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex maray ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali lagu raad-joogo qaar ka tirsan maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee galay gudaha deegaanka Soomaalida.

Ma jiraan ilaa hadda faah-faahinno ka soo baxaya maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida oo sharraxaad ka bixinaysa khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo haddii ay jiraan maxaabiis dagaal.