Al-Shabaab oo 25 xubnood looga dilay Hiiraan

Ciidanka xoogga Dalka Somaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte waxa ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab looga furtay dagaalkaasi hub fara badan iyo agab millateri.

Taliyaha ayaa xusay qasaaraha argagixisada lagaarsiiyay inuu intaa ka badanyahay balse uu socdo tirakoob iyo xog ururin, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan.