Al-shabaab oo dad shacab ah ku laayey Gawaarina ku gubay Gobolka Hiiraan

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Gawaari safar ah iyo dadkii saarnaa duleedka degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-shabaab ay wadada u galeen Gawaarida oo ah xamuulka raashin siday oo tiradooda gaareyso 10 ay gubeen.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dileen qaar kamid ah Dadkii la socday gawaarida la gubay.

Tirada dadka la dilay ayaa ku dhawaa 15 ruux sida ay sheegeen maamulka gobolka Hiiraan.

Gaadiidkaan xamuulka ah ayaa waday Raashin waxaana jimcihii  ay ka baxeen Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan iyaga oo u rarnaa Degmada Maxaas oo u jirta 160 KM.

Deegaanka Afar-Irdood oo ah goobta lagu gubay Gaadiidka laguna dilay Dadka saarnaa ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dhaqdhaqaaq ciidan ka waday Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Al-Shabaab.