Al-Shabaab oo goob fagaare ku toogtay nin Lagu eedeeyay arrin aad u fool xun

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Gelinkii dambe ee shalay ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxay goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Booco ee Bariga Gobolka Hiiraan ku toogtay Nin lagu eedeeyay inuu fal fara xumeeyn ku sameeyay Canug yar oo kamid ah dadka degaanka.

Al-shabaab ayaa goobta uu xukunka ku dhacaayay isugu geeyay boqolaal dadweyne ah, si ay u daawayaan xukunkaas dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ninka lagu eedeeyay inuu sameeyay falka fara xumeeynta ahaa.

Magaca Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu sheegay Cabdi Shakuur Muxumed Axmed, kaasi oo Maxkamadda Al-shabaab ku xukun ku riday, laguna fulisay shalay, isla markaana waxaa lagu toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan.