Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay 6 Ruux

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaal degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen lix ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen basaasiin la Shaqeeynayay Hay’daha Sirdoonka Caalamiga ah.

Lixda qof ayaa kala ahaa.

1- Cumar Cabdulqaadir Hiiraale

2- Cabdi Xasan Axmed.

3- Ibraahim Cumar Cali

4- Sadaam Cusmaan Maxamed

5-Aweys Xasan Xaaji

6- Fartuun Cumar Abkow.

Al-Shabaab ayaa dadkaan ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, isla markaana ay hageen duqeymo uu Mareykanka ka fuliyay meelo kamid ah Gobolada Jubbooyinka.

Dadka Al-Shabaab ay  toogteen ayaa u badnaa Dhalinyaro.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-Shabaab fagaare dad ku toogtaan sidaan oo kale dhowr jeer waxaa faraagayaal loogu toogteen dad ay al-shabaab u heysteen eedeymo kala duwan.