Al-Shabaab oo goob fagaaro ah ku toogtay xubno iyaga kamid ah oo basaasiin ahaa

BAYDHABO-AYAAMAHA-Deegaanka Booshmadiino oo qiyaastii 50KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaar ah ee Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegaya in halkaasi ay Al-Shabaab ku toogteen xubno iyaga kamid ahaa oo lagu sheegay inay ahaayeen basaasiin.

ku dhawaad 7 ruux oo Shabaabka kamid ah ayaa la toogtay, kadib markii ay ku eedeyeen in ay ahaayeen kuwa xogta u gudbiya (basaasiin) Dowladda Federaalka, iyo maamulka koofur-galbeed.

Xubnaha ay Al-Shabaab toogteen waxaa Kamid ah Agaasimihii hore Isbitaalka Baydhabo xilligii Shabaabka oo lagu magacaabayay Dr Cabdiraxmaan Ibraahim Isxaaq.

Al-Shabaab ayaa sidookale toogtay horjoogayaal jabhada kamid ahaa, waxaana dhamaan ay ku eedeeyeen In ay ahaayeen kuwa xogta u dusiyaan Dowladda DFS iyo maamulka koofur-galbeed Soomaaliya.