Al-Shabaab oo Haweeneey ku toogtay Goob fagaaro ah

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ku yaal degaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku toogteen Haweeneey ay sheegeen inay ka tirsaneyd Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle.

Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ka kala yimid Xaafadaha qaar ee degaanka Shaw, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Haweeneeyda ay Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada lama galaay ee Magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa degaannada ay maamulaan ugu toogteen rag & dumar ay sheegeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha taageera.