Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxii maanta ee isgoyska Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir, lagula beesgaday kolonyo uu la socday taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Sida ay hadalka u dhigeen Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay 4 askari, halka ay ku dhaawacday 5 kale oo dhamaaan ka mid ah ilaalada taliyaha.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha booliska kooxda Riddada waxaana ku dhintay 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale  oo ahaa ilaaladiisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba.