Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay carqaladeyneyso doorashooyinka Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerari doonaan ergooyinka soo xulaya xildhibaannada doorashada baarlamanka ee bilaabaneysa todobaadka soo socda.

Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka soo socda ee madaxweynaha iyo baarlamaanka ee ka dhacaya Soomaaliya.

Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, Axmed Abu Cubeyda, ayaa sheegay Talaadadii inay kasoo horjeedaan hannaanka codbixinta, wuxuuna u hanjabay ergooyinka doorashada.

Wuxuu sheegay in ergadu aysan ku kadsoomin waxa uu ugu yeeray balanqaadyada aan la fulin doonin, sida kuwa dhaqaale iyo codbixinta qarsoodiga ah, ayna dib u eegaan halka ay ku dambeeyeen ergadii iyaga ka horreeyay ee ka qeybgashay doorashadii 2017, kuwaas oo uu ku sheegay in qaarna la dilay, qaarna ay wali cabsi ku noolyihiin.

Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradii lagu dilay tobanaan ergo ah intii lagu gudajiray hannaankii doorashadii ugu dambeysay ee 2017.

Cubeyda wuxuu ku boorriyay wufuudda inay dib uga fiirsadaan go’aankooda ah inay ka qeybgalaan doorashada sanadkan, isagoo intaa ku daray in kuwa diida amarka Al-Shabab aysan nabad heli doonin.

Doorashooyinka ayaa bilaabanaya maanta Axadda ah ee soo socota, iyadoo doorashadu ku billaaban doonta 54 xubnood oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka.