Al-Shabaab Oo la Wareegeen saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Kenyan.

Kenya Defence Force soldiers arrive in Garissa University College in Garissa April 4, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

KISMAAYO-AYAAMAHA-Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan  Booliska Kenya, kaas oo ku yaalla Gobolka Gaarisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in saldhigga la weeraray uu ku yaallaa deegaanka Sedax Goose oo hoostaga degmada Lafeey, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay la wareegeen degaankaas.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in weerarka kadib Ciidamada booliska Kenya ay isaga baxeen degaanka Sedax Goose, isla markaana sinabad ah ay kula wareegeen Al-Shabaab.

7-dii Bishan ayay aheyd markii markii Al-Shabaab ay weerareen Bas ay saarnaayeen dad rayid ah oo ka baxay Magaalada Mandheera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi, weerarkaas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Weerarkaan ka dhacay Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay booliska Kenya ay sheegeen in ay Kenya galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo Bulshada ugu baaqay inay ka feejignaadaana weeraro ay fulin karaan Al-Shabaab.