Al-Shabaab oo la wareegtay Deynuunay iyo isgaarsiinta oo la jaray

Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan soo gaaray illaa barqaddii Maanta.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey dagaalka ayaa waxaa laga maqlayey meel aad uga fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaal qeyb ka ahaa ay sheegeyn inay iska difaaceyn weerarkii qorsheysnaa ee kaga yimid dhinac Al-Shabaab.