Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Degaan Ka Tirsan Gobolka Bari

BOOSAASO-AYAAMAHA-Wararka aan ka heleyno deegaanka Galgala ee ku yaalla buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay ku warramayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas tirro hoobiyeyaal ah ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in gudaha Galgala ay kusoo dhaceen ilaa iyo 20 hoobiye oo jugtooda siweyn loo maqlay, isla markaana dadka ay dareemeen cabsi xoogan oo la xiriirta madaafiicda.

Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa saldhigyo ku leh deegaanka ay Al-shabaab ku garaaceen madaafiicda, waxaana sidoo kalena degan dad u badan beeraleey iyo xoolo dhaqato.