Al-Shabaab oo Markale Weerar Dad Ku Qaaday Lamu Iyo Mandheera

LAAMUU-AYAAMAHA-Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa deegaanka Hindi ee Magaaalada lamu, waxaana weerarkaas lagu dilayaba Ruux oo kamid ahaa dadka degaanka.

Dadka la dilay ayaa loogu tegay Guryahaooda, waxaana weerarka uu dhacay xilli habeen ah oo badi dadka kunool deegaanka Hindi ee Mahaalada lamu ay wada jiifeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah la beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Millateeiga Kenya xilli ay marayeen deegaanka Dabaasiti ee hoostaga degmada Ceelqaaloow ee Magaalada Mandheera, sidoo kale waxaa xigay weerar toos ah oo lagu qaaday Ciidamada Millateriga.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen degaan u dhow lamu ku dileen lix Ruux oo Shacab ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa bandow soconaya muddo 30 Cisho ah kusoo rogay degaannada lamu, si ay u baadi goobaan Kooxaha weerarada ka geysta Magaalada lamu iyo degaannada hoostaga.