Al-Shabaab oo markii ugu horreysay codsatay wadahadalo, sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in kadib guulaha ay gaareen Ciidamada xooggad alka ay Al-Shabaab soo codsadeen in wada-hadal lala galo.

Wasiir kuxigeenka oo Waraahinta kula hadlay Xarunta Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in cid kasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee dalkan u dhashay la soo dhaweeynayo balse kuwa Ajaanibta ah wadada kaliya ee u furan ay tahay inay dalka isaga baxaan.

Wasirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay iyaga wadahadal soo codsadeen, wuxuu sheegay in Shabaabka dalka u dhashay ay xili walba ay diyaar u yihiin in la soo dhaweeyo “waa inay dowladnimada raacaan oo ay isasa soo dhiibaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.