Al-Shabaab oo meel fagaaro ah ku toogtay laba Ruux

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaal degmada Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen laba Nin oo ay u jeediyeen Eedeyn kala duwan.

labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya midka kalena uu ku Shaqeysan jiray Sixirka.

Goobta fagaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan, waxaana ragga la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xassan Cumar oo ahaa ninka lagu eedeeyay sixirka iyo Maxamad Mowliid Aadan oo loo heystay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda.

Raggaan ayaa Al-Shabaab sheegeen inay kasoo qabteen meelo kala duwan, isla markaana baaritaan dheer kadib dil toogasho lagula fuliyay fagaaro kuyaal degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhowr jeer sidaan oo kale ayaa Al-shabaab waxaa goobo fagaarayaal ah ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.