Al-Shabaab Oo Nolosha Ku Qabatay Guddoomiye Ka Tirsan Kenya.

Kenya Defence Forces (KDF) soldiers bow their heads during prayers for slain comrades at a memorial attended by Kenya's Uhuru Kenyatta, Somalia's Hassan Sheikh Mohamoud and Nigeria's Muhamadu Buhari on January 27, 2016, for slain Kenya Defence Forces (KDF) soldiers killed in southwest Somalia's el-Adde region by al-Qaeda linked Somali based Islamists, al-Shabaab, in mid-January. Nigeria's Buhari and Somalia's Mohamoud joined Kenyatta at the Moi Barracks in Eldoret, some 326 kms (194 miles) northeast of the Kenyan capital, Nairobi, in hailing the fallen soldiers as heroes and Kenya's efforts against terrorism. / AFP / TONY KARUMBA (Photo credit should read TONY KARUMBA/AFP/Getty Images)

KISMAAYO-AYAAMAHA-Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Kenya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Waqooyi barri ee Kenya.

Al-shabaab ayaa la sheegay in marka hore ay weeerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Gummareey ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Mandheera iyo Gobolka Wajeer ee dalkaas.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in muddo ku dhow saacad uu socday dagaalkii u dhexeeyay Ciidanka Kenya iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadibna ay halkaas isaga tageen Shabaabka oo xaaladda caadi kusoo noqotay.

Barahooda Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii dhacay ay ku qabteen Guddoomiyihii deegaanka Gummareey ugu magacaawnaa dowladda Kenya.

Sidoo kale waxaa ay sheeteen in muddo saacad ah ku sugnaayeen deegaanka, isla markaana fagaare ugu muxaadareeyay dadka deegaanka Gummareey, ayna ka dalbadeen in wax wadashaqeyn ah la yeelan Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay uga hadlayaa wararka sheegaya in Al-shabaab gacanta ay ku dhigeen Guddoomiyihii ugu magacaawnaa deegaanka Gummareey, kadib markii weerar uu ka dhacay halkaas.