Al-Shabaab oo qaraxyo la beegsaday Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde

JOWHAR-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay qaraxyo la beegsadeen Garoonka diyaaradaha degmada, halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka socday dhismo xoogan.

Qaraxyada oo isugu jiray Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay dhismaha ka socday Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxyada ay bur buriyeen qeyb kamid ah Goobihii la dhisay kuwaas oo kamid ahaa meelaha ugu muhiimsan Garoonka, sida ay Risaala u sheegeen ilo dadka degaanka ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay howlgallo xoogan ka wadaan duleedka degmada Buul-Burde gaar ahaan aaga Garoonka, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxada.