Al shabaab oo Shabeellada dhexe kusoo bandhigay Odayaal hubeysan oo la dagaalamaya ciidamada dowladda

JOWHAR-AYAAMAHA-Ururka Al Shabaab ayaa waxay maanta kusoo bandhigeen deegaanka Xaaji cali odayaal hubeysan oo ay sheegeen inay doonayaan in dagaalka ka qeyb galaan.

Sawirro lagu faafiyey internetka ayaa odayaal da’ ah ayey Al Shababa kusoo bandhigeen in dagaalka lagu difaacayo deegaanada ay ka joogaan Shabellaha dhexe yihiin kuwo u diyaar ah.

Duulaan ka dhan ah Al shabaab ayaa ka bilowday Gobolkaasi iyadoo lasoo sheegayo in Cadale ay tahay goobta laga hagayo gulufka lagu xoreynayo deegaanada ay Shabellaha dhexe ka joogaan Al Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhoolatus ciidan kusoo bandhigtay maanta oo talaado ah degmada Cadale kuwaas oo udiyaar garoobaya xoreynta gobolka oo gacanta dhamaantiis la rabo inay soo gasho.