Al Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Andalus.

Qoraalka laga baahiyay idaacadda ayaa sidan u qornaa “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen, kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdiaho Maanta ayaa kusoo beegmaya xilli Maalinta Berito oo khamiis ah la qorsheeyay in Magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbax lagu taageeraayo Ra’iisul Wasaaraha loogana soo horjeedo Farmaajo.