Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Soomaali u Shaqeeyneysay Sirdoonka Kenya

kismaayo-ayaamaha-Weerar horey Al-shabaab ugu qaadeen degaanka Girileey oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dilay Nin iyo Walaashiis, kuwaas oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa ku sheegay warar ay ku daabaceen Baraha ay kuleeyihiin Internet-ka inay dileen Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo ay ku eedeeyeen inay u Shaqeeynayeen Sirdoonka Kenya.

laamaha Amniga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaan well ka hadlin dilka labada Ruux, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor Al-Shabaab ay faaaro ku yaalla degaanka Buula fuulaay ee Gobolka Baay ku toogteen 7 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro gaadmo ah iyo goob fagaaro ah kudilay rag iyo dumar ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo dowladaha taageerada siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya..