Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Al-Sgabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen degaano hoostaga degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallo ka wadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaannada Warciise, Qordheere iyo degaano kale kadib markii degaannadaas ay isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Degaannaa ay Al-Shabaab la wareegeen aa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda ay si awood ah ula wareegay, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Cuudamada doawladda ee ka baxay degaannada Warciise iyo Qordheere ay tageen degmada Raaga ceelle, waxaana hoggaaminaya taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raagge.