Al-Shabaab oo si deg deg ah isaga baxay degmada Matabaan.

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka Al-Shabaab oo dagaal la’aanta kula wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay degmadaas oo muddo saacado ah  ay ku sugnaayeen.

Al-Shabaab ayaa markii ay la wareegeen degmada Matabaan waxaa ay isku fidiyeen dhamaan Xaafadaha degmada, waxaana ay qaateen qalab yaallay gudaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan, iyaga oo qaraxyo ku burburiyay Saldhiga.

Al-Shabaab ee Maanta barqadii dagaal la’aanta kula wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay degmadaas oo muddo saacado ah  ay ku sugnaayeen.

Al-Shabaab ayaa markii ay la wareegeen degmada Matabaan waxaa ay isku fidiyeen dhamaan Xaafadaha degmada, waxaana ay qaateen qalab yaallay gudaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan, iyaga oo qaraxyo ku burburiyay Saldhiga.

Xogaha la helay  ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay fariisin ka sameysteen degaanka Dhisiqa oo wax ka 5km u jira degmada Matabaan.

Ciidamada dowladda oo markii hore isaga baxay degmada ay dib ugu soo laabteen, isla markaana xaaladda ay tahay mid degan.