Al-Shabaab oo u dabaal dagtay guusha Taalibaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta taabacsan ururka Al-Shabaab ayaa daabacday qoraal ay ku sheegeen in ururka uu ku farxay jabkii soo gaaray dowladda Afghanistaan ee uu caalamka aqoonsanyahay, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen sida ay Taalibaan ula wareegtay maamulka dalkaas.

” Allaahu Akbar magaalada Kaabuul ayaa ku dhacday gacanta ciidamada Imaarada Islaamiga ah” sidaas ayaa lagu qoray website-yada Calamada iyo Somali Memo.

“Dabaaldegyo ayaa ka bilaawday wadanka oo idil, Calanka Towxiidka ayaa laga suray fagaarayaasha waaweyn ee Kaabuul, sawirro ay baahisay Imaarada ayaa muujinayay mujaahidiinta oo ku roondaynaya xaafadaha Kaabuul iyadoona noloshu si caadi ah kusoo laabatay.” ayaa lagu qoray bogga Calamada.com.

Isla boggaas ayaa sidoo kale lagu qoray : “Waa 20 sano oo halgan jihaad ah kadib oo guushii muslimiinta reer Afghanistan ay xaqiiqoowday, madaxdii dabadhilifyada ee Taangiyada Mareykanka lagu keenay iyo boqolaalkii kun ee ciidamadii shisheeye ayaa iyagoo jabay dalka isaga cararay.”