Al-Shabaab Oo War Ka Soo Saartay is-miidaamin Ka Dhacday Duleedka Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad walxaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu la beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qofka inta uusan is qarxin kahor ay rasaas badan ku fureen Ciidanka Haramcad oo goobta ku sugnaa, uun markii ninkaas ku soo dhawaaqay uu ku qarxay Ciidamo saarnaa gaari Cabdi Bile ah.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah & ciidamo.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay sarkaal Turki ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Haramcad, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saraakiil Turki ah oo ku sugnaa nawaaxiga Lafoole, dhimashu waa sarkaal Turki ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale halka laba askari oo katirsan kooxda Ridada ay ku dhinteen camaliyadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay kooxda Al Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshad Internet-ka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxii ka dhacaay deegaanka Lafoole, mana ah markii ugu horreeyay oo qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacdo wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.