Al-Shabaab oo war kasoo saartay inay wada hadal la galayaan dowladda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada wadahadal dhexmara Al-Shabaab iyo Villa Somalia.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiinta dowladda ay yihiin mid ay niyadda ku dhisayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa imaneysa xili Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan.”