Al-Shabaab Oo Weeerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamada Midowga Afrika.

Kenya Defence Forces (KDF) soldiers bow their heads during prayers for slain comrades at a memorial attended by Kenya's Uhuru Kenyatta, Somalia's Hassan Sheikh Mohamoud and Nigeria's Muhamadu Buhari on January 27, 2016, for slain Kenya Defence Forces (KDF) soldiers killed in southwest Somalia's el-Adde region by al-Qaeda linked Somali based Islamists, al-Shabaab, in mid-January. Nigeria's Buhari and Somalia's Mohamoud joined Kenyatta at the Moi Barracks in Eldoret, some 326 kms (194 miles) northeast of the Kenyan capital, Nairobi, in hailing the fallen soldiers as heroes and Kenya's efforts against terrorism. / AFP / TONY KARUMBA (Photo credit should read TONY KARUMBA/AFP/Getty Images)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dad ayaa ku warramay in dagaalka uu bilowday ka gadaal, markii Al-shabaab weerar loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Inta uu socday dagaalka dhexmaray dhinacyada ayaa waxaa dadka deegaanka ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la is dhaafsanayay, in kastoo aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarkii dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan Ciidanka Kenya ee ku sugnaa deegaanka Hoosingoow ay tuureen Madaafiic Jawaab ah oo aan la ogeyn halka ay ku dhaceen, waxaana saaka degan xaaladda deegaankaas.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan weeraro isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday Saldhiyo Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.