Al-Shabaab Oo Weerar Ismiidaamin Ah Ku Qaaday Ciidanka Dowladda.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Deegaanka Wisil ee Goboka Mudug ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa uu sheegayaa in halkaas waaberigii hore ee saakay uu ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeeyay Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug, dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii Al-shabaab weerar ku bilowday Qarax Is-miidaamin ah ay ku qaadeen gudaha degaanka Wisil, waxaana kadib xigay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo halkaas ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramayaa inuu dagaalka ka dhashay, iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen in mar qura ay kusoo tooseen jugta qarax weyn oo dhacay iyo rasaas farabadan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Glmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana weli uu socdo dagaal, ayna dib ka shaacin doonaan khasaaraha jira.