Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Afgooye iyo Dagaal Ka Socda Degmada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka ayaa u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana dagaalku uu ka socdaa degaanka mukayga oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Dwoladda ee ku sugan degaankaasi, waxaana billawday dagaal  xooggan oo u dhexeeya labada dhinac.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada waxaana dadka Degmada ay sheegayan in labada dhinac ay isku adeegsanayaan  hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jugta iyo dhawaqa Raasra laga maqlayo Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye.

Majirto Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse dadka degaanku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.