Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga Ciidamada Koonfur Galbeed.

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana kasoo baxaya faah faahino kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ee degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo dad rayid ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kooonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen khasaaro ku gaarsiiyeen.