Al-shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday deegaanka Biyo Cadde

JOWHAR-AYAAMAHA-Degaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa wararka naga soo gaaraya waxa aay sheegayan in madaafiic lagu weeraray caawa saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas iyo xaafado ka tirsan Biyo Cadde ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiic xoog leh oo lagu duqeeyay magaalada Biyo Cadde xalay xilli ay dadka jiifeen guryahooda, ayaa sababay dhimashada haweeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiicdan.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowlada ayaa madaafiic ugu jawaabay weerarka lagu soo qaaday hase yeeshee lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada iyo weliba dagaalamayaasha Alshabaab oo weerarkan soo qaaday.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gobolka Sh/dhexe iyadoo toddobaadkii hore weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf uu ka dhashay qasaare xoog leh