Al-Shabaab oo weeraray labo Saldhiga oo ku kala yaala Muqdisho iyo Boosaaso.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamada Puntland & Al-Shabaabkii weerarka ku qaadday Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan tuulada Af urur ayaa sheegay in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.

Sidookale Al-Shabaa ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Xerada Maslaxa ee kutaalla Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dad ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada AMISOM & Al-Shabaab Xerada Naslax, waxaana degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa & Deeyniile laga maqlayay dhawaqa rasaas ay isku ridayeen labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Aaga Xerada Maslaxa ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, isla markaana ay si caadi ah u Shaqeeynayaan Gaadiidka isticmaala wadada hormarta Xerada Maslax ee aada dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma aha markii ugu horreeyay ee Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wareegeen deegaanka.