Al-shabaab oo weerartay ciidamada Dowladda ee ku sugan Dhoobleey

AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey
AL-Shabaab oo weerartay Dhoobleey

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Nabadsigida Jubbaland iyo Kooxda Al shababaab .

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday sida la sheegay saldhigga Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland iyadoona markaas kadib dagaalka uu si toos ah u bilawday .

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa wali ka kahad lin dagaalka ka dhacay Degmada dhoobley balse dadka deegaan ayaa sheegay in dagaalka uu jiro qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaac .

Inta badan Alshabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxay ku qaadaan deegaanada Maamulka Jubbaland gaar ahaan degmada Dhoobleey .