Al-Shabaab Oo Xalay Weerarey Bar-control Oo Ciidanka Haramcad Ku Leeyihiin Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa xalay magaalada Muqdisho dagaal muddo saacad ah socday ku dhexmaray Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, waxaana inta uu socday dagaalka Ciidanka Booliska iyo Al-shabaab ay dadka maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo Bar koontarool ku leh wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo ay ka socoto dhismo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Haramcad oo ka hadlay dagaalkii xalay dhacay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalki xalay duleedka Muqdisho ka dhacay.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, wallow Taliska Booliska Haramcad ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen xubnihii la dagaalamay.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dhismo ballaaran oo lagu sameeynayo wadadaas.