Al-Shabaab soo bandhigtay ciidan iyo gaadiid Liyuu booliska ka qabsadeen

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Al shabaab waxay galabta baahiyeen inay weerarka kudileen 87 Askari, sidoo kale waxay baahiyeen in ka badan 50 sawir oo muujinaya khasaaraha weerarka.

Sawirada la baahiyey waxaa laga arkayaa goobo la gubay iyo gaadiid si toos ah loo gubay,iyadoo gaadiid ciidanka Liyuu booliska lahaayeen astaantoodana ay ku buufsaneyd ayaa la arkayey Al Shabaab oo ay isticmaalayaan kuna faaneen inay soo qaniimeysteen.

Dhanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa laga sugayaa inay faah faahin dhankooda soo saaraan xilli goor hore la arkayey iyagoo sheegayey inay dib usoo riixeen Al shabaabkii weerarka soo qaaday.