Alshabaab ka gudbay xaduudka Gobolka Hiiraan oo gudaha u galay Degmada Feerfeer

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidan Alshabaab ah ayaa ka gudbeen xadka Gobolka Hiiraan ayna galeen gudaha Deeggaano ka mid ah Degmada Feerfeer. Xalay saqdii dhexe ayaa anteenooyinka telefoonada ee Gobolka Hiiraan la demiyey ka hor inta aysan Alshabaab xuduuda ka gudbin.

Al-shabaab ka gudbay xadka goboka Bakool la wadaago dowlad deeganka Soomaalida ayaa dagaal xoogan ku qaday ciidamada Liyuu Boolis, waxaana ka dhashay khasaaro farabada oo soo gaartay Shabaabkii dagaalamaayey iyo ciidamada Liyuu Boolis.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalka u dhexeeyeey Alshaab iyo ciidamada deegaanka ee Liyuu booliska, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaal xooggani uu ka socday deegaanka Huluul ee hoostaga degmada Hargeelle.

War  ay soo saartay xukuumadda deegaanka ayaa lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.