Alshabaab oo 24 saac gudahood ku dishay in ka badan 10 Ciyaal-Weero, Odayaal.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Muqdisho xowli uga socda howlgalkii Alshabaab ku sheegay inay ku beegsaneyso Ciyaal-weerada, Dadka Daroogada ka ganacsada iyo weliba mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Dowladda.

24-kii Saac ee ugu danbeeyay waxaa degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir lagu dilay in ka badan 10 qof oo isgu jira kooxaha daroogada, ciyaal weerada iyo dad shacab ah, waxayna Weerarrada ugu waaweyn ka dhaceen degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile.

Weerarka qarax Bam iyo toogasho loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla deegaanka Daarusalaam, degmda Yaaqshiid ee Muqdisho, waxaana goobtaasi la weeraray la sheegay in lagu dilay ilaa shan qof oo la sheegay qayilayeen, waxaaba ka mid ahaa odayaal.

Alshabaab ayaa sheegtay dilalka ka dhacay Muqdisho iyo fal kale oo ah inay Dab qabadsiiyeen goobtan ay sheegeen in munkarka lagu faafinayay.

Dhinaca kale waxaa dil kale ka dhacay xaafada Baar Ayaan, iyadoo lagu dilay nin la sheegay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha maandooriyaha soo galiya magaalada Muqdisho kaasi oo lagu magacaabi jiray Qaliirow.

Weerar kale wuxuu ka dhacay xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile, waxaana lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Cabaas Seeyga oo Alshabaab sheegeen inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Ciyaal weerada.

Isla shalay waxay Alshabaab Muqdisho ku dileen Nin oday ah oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidamada, Xaashi Maxamed Macalin Xasan, waxaana xowli uga socda caasimadda, siina xoogeynaya dilalka ay ka wadaan Alshabaab.

Arrinta ayaa noqotay mid dad badan ay la yaaban yihiin, caasimad dowladda ka taliso in Al-shabaab sidaan dad uga laayso hadane awaamiirta ka dhaqan gasho xili dowladda meelo badan ka xoreysay Al-shabaab.